Animation

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo amar deg deg ah ka soo saaray dilka wasiir siraaji isagoona balan qaaday in uu….

no responses
Wednesday May 3, 2017 - 9:13 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada addis ababa ee dalka itoobiya ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha ha u naxariistee wasiirkii wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska cabaas c/llahi siraaji oo cawada fiidkii ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dileen agagaarka madaxtooyada villa soomalia.

Madaxweyne Farmaajo “Aad Ayaan uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN” ayaa yiri madaxweyne farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilka wasiirka lana hubiyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglaha dilay wasiirka.

“Waxaan ku amray madaxda amniga in ay dhaqso uga sal gaaraan wixii sababay masiibadan ayna hubiyaan in gacan ku dhiigleyaashii la soo qabto” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweyne farmaajo ayaa ugu dambeyn sheegay in uu soo gaabin doono booqashada uu ku joogo dalka itoobiya si uu uga qeyb qaato baroordiiqa loo iyo aaska marxuum siraaji.

“Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas” ayuu hadalkiisa intaa ku daray madaxweyne farmaajo.