Animation

DEG DEG: Farmaajo oo hadda kulan albaabada u xiranyihiin wasaaradda gaashaandhigga kula qaadanaya saraakiisha xoogga dalka

no responses
Sunday June 11, 2017 - 12:00 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar goordhaw kusoo dhacay warqabadka k24 ee muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne farmaajo uu hadda kulan deg deg ah oo albaabada u xiranyihiin la leeyahay saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Kulanka waxaa uu ka socda xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada muqdisho waxaana ka qeyb galaya dhamaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka qeybahiisa kala duwan.

Ilo wareedyo ku sugan wasaaradda gaashaandhigga ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka uu yahay mid alabaabada u xiranyahay loogana hadlaayo dar dar galinta howlgallada ay dowladda ka bilaabeyso gobollada dalka .

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlaya halka uu maraayo howlgalka xasilinta caasimadda oo shacabka muqdisho ay si diiran usoo dhaweeyeen waxaana caasimadda laga dareemaya xasilooni buuxda tan iyo markii uu bilowday howlgalka xasilinta caasimadda bilowgii bisha ramadaan oo hadda mareysa 16 .

Madaxweyne farmaajo ayaa ahmiyad weyn siinaya dardar galinta arimaha ammaanka iyo la dagaalanka alshabaab waxaana uu ciidamada xoogga dalka iyo saraakiisha ku dhiira galinaya in shabaab dalka ka sifeeyaan amniga caasimaddana sugaan.

La soco wixii war ah oo kulankaan kusoo kordhaa insha allah