Animation

DEG DEG: Farmaajo oo hada booqanaya furmimaha dagaalka gobolka shabeellada hoose isagoona hada ku sugan dagmada…..

no responses
Monday May 8, 2017 - 10:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka inaga soo gaaraya dagmada afgooye ee gobolka shabeellada hoose ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw halkaasi uu gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo.

Wafdiga madaxweynaha waxaa si diiran magaalada ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta gobolka kan dagmada iyo dadweyne aad u fara badan oo ruxaya calanka soomalia.

Ciidamada gaashaan ee sida gaarka ah u tababaran ayaa magaalada horay loosii geeyay si ay u sugaan ammaanka madaxweynaha.

Wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye ayaa sidoo kale la xiray saakay waxaana madaxweynaha la filaya in uu sidoo kale booqdo deegaano kale oo gobolka shabeellada hoose kamid ah.

Madaxweyne farmaajo deegaanada uu booqan doono waxaa kamid ah Bariire,Mubaarak iyo Daarul-salaam oo dhamaantoodaba ah furimo dagaal oo ay ku hardamaan ciidanka dowladda iyo kuwa alshabaab .

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee madaxweyne farmaajo uu ku tago gobolka shabeellada hoose tan iyo markii loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia.