Animation

DEG DEG: Farmaajo iyo wafdigii la socday oo hada gaaray baydhabo iyadoona soo dhaweyn balaaran loo sameeyay

no responses
Sunday April 23, 2017 - 12:05 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia maxamad c/llahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw waxa ay gaareen magaalada baydhabo ee xarunta KMG maamulka k/galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraddaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha k/galbeed shariif xasan shiikh aadan wasiiro,xildhibaano,saraakiil iyo dadweyne fara badan .

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa baydhabo ku wehlineysa wasiirka gargaarka arimaha bini’aadanimada Marwo Maryan Qaasim.

Ujeedka socdaalka madaxweyne farmaajo ee baydhabo waxaa uu ku saabsanyahay u kuurgalida xaaladda abaaraha iyo tan beni’aadannimo ee ka jirta deegaanada k/galbeed.

Madaxweyne farmaajo ayaa hada kulamo  kula qaadanaya madaxtooyada k/galbeed madaxweyne shariif xasan shiikh aadan iyo xubno labada gole ka tirsan.