Animation

DEG DEG: Farmaajo iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleed-yada oo muqdisho ka duulay xagee ku wajahanyihiin????

no responses
Tuesday May 9, 2017 - 9:25 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho waxaa goordhaw ka dhoofay wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia maxamad c/llahi farmaajo.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraddaha aadan cadde ka qaaday diyaaradda turkish airline waxaana uu toos uga dagi doona magaalada istanbul ee caasimadda dalka turkiga isagoona halkaasi Transit ku ah wuxuuna diyaarad kale cawada ka raaci doona istanbul oo geyn doonta magaalada london.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kusii jeedaan magaalada london oo lagu wado in 11-ka bishaan uu ka furmo shirka soomalia loo qabanaayo.

Wafdiga madaxweynaha la socda waxaa kamid ah madaxda maamul goboleed-yada hirshabeelle,koonfur galbeed iyo galmudug iyadoona puntland iyo jubbaland ay horay ugu dhoofeen london.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa socdaalkiis aku wehlinaayo ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda iyo Wasiirka Gaashaandhigga, La taliyeyaasha Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale oo madaxweynaha ku wehlinaayo socdaalkiisa london.

Shirka London oo ay ka soo qeyb-galayaan dalal badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadli doona arrimo badan oo ay ugu muhiimsanyihiin siyaasadda, amniga iyo heshiiska cusub ee beesha caalamka ay kula shaqeyn doonta dowladda cusub.

Shirka waxaa wadajir u shir guddoomin doona madaxweynaha soomalia , Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.