Animation

DEG DEG: Duleedka Magaalada Galkacyo oo Olalkeeda uu Baxaayo Kadib Markii uu Dib u qarxay Dagaal Hub Culus la isku Adeegsanaayo oo…..

no responses
Thursday October 20, 2016 - 8:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Hada Ka Imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa Waxa ay sheegayan in Dagaal Culus uu dib uga qarxay Galbeedka Magaalada Kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Maamulka Puntland.

Dagaalka wuxuu ku Bilowday Rasaas goos goos ah Iyadoona Marba marka ka dambeysa uusii xoogeysanaayay Waxaana Hada la maqlaya Daryanka Madaafiic Culus oo Labada Dhinac Isku adeegsanayaan.

Dadkii Ku Haray Magaalda Galkacyo ayaa Hada ka qaxaya Xaafadahooda Kadib Mudo 14 Cisho wax ku dhaw oo Galkacyo Xiisad ay ka taagantahay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay ee labada Ciidan iyo Dadka shacabka ah .

Waxgaradka Labada Maamul Horay ayey ugu guul dareysteen in Heshiis ay kala dhex dhigaan Galmudug iyo Puntland islamarkaana ay Joojiyaan Xiisada Dagaal ee Galkacyo ka taagan .