Animation

DEG DEG: Dowladda soomalia oo go’aan cad ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya qaar kamid ah dalalka carabta

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 12:35 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Tr. June 07, 2017
Muqdisho ā€“ Soomaaliya

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.