DEG DEG: Dowladda Kenya oo Dib u Bilowday Dhismaha Xad beenaadka Magaalada Beled-Xaawo

0

Iyadoo lagu balan sanaay in maanta ay shir isugu yimaadan dowladdaha soomalia iyo kenya so looga wada hadlo xiisadda beled-xaawo ayaa waxaa maanta laga soo sheegaya in ciidamada kenya ay dib u bilaabeen dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xuduud beenaadka magaalada beled-xaawo.

Ciidamada ayaa saakay dib u bilaabay dhismaha darbiga waxaana la arkaayay iyadoo ciidamada ay biro shub ah galinayan godad waaweyn oo dowladda kenya ay ka qoday xad beenaadka Magaalada Beled-xaawo oo dowladda kenya ay dooneyso in ay boobto dhulka soomaaliyeed.

Lama oga mowqifka dowladda soomalia ay ka qaadaneyso boobka dowladda kenya ay ka wado beled-xaawo maadama shalay la joojiyay dhismaha darbiga kadib wada hadal dhexmaray madaxweyne farmaajo iyo uhuru Kenyatta.