Animation

DEG DEG: Doorashadii Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado o Hakad la galiyay.. Maxay tahay Sababta Maxaase ka cusub Magaalada????

one response
Wednesday November 16, 2016 - 10:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay ku Waramayan Wararka ka Imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug waxaa Hakad la galiyay Doorashadii Aqalka Hoose Wajigeeda Seddexaad oo Saakay ka Bilaabatay Magaalada Cadaado.

Doorashada oo Maanta Balantu aheyd in la doorto ilaa 9 Kursi ayaa waxa kaliya la doortay Laba Kursi kadibna Doorashada ayaa hakad la galiyay.

Doorashada ayaa waxa ay Hakad u gashay Kadib Markii Buux iyo Sawaxan uu hareeyay Xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Maadama Afaafka hore ee Doorashada Lagu toogtay Mid kamid ah Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Ninka la toogtay ayaa la sheegay in ay ku Dhacday Rasaas uu furay Mid kamid ah Ciidamada Ilaalada Xarunta Doorashada waxaana Dilka uu dhacay sida la sheegay Kadib markii Marxuumka Dhintay uu aad u saluugay Hanaanka doorshada ay u dhaceyso Isagoona la sheegay in uu Uleeyay oo uu Ul la dhacay Askarta iyo qaar kamid ah Ergada Kadib Rasaas uu furay Nin Askari ah uu ku dhintay Balse Warkaasi Xaqiiqo looma haayo.

Marxuumka Dhintay ayaa lagu Magacaabi jiray C/llaahi Carraale Dibbed wuxuuna kamid ahaa Ergada Beesha Murasade ee soo dooraneysa Xildhibaanada aqalka Hoose ee Beesha Murasade ay ku yeelatay Xubno.

Magaalada Cadaado waxaa Hada laga dareemaayo Xaalad kacsanaan ah Kadib Dilkii loo geestay Mid kamid ah Ergada Beesha Murasade .

Ciidamada Amaanka ayaa la sheegay in ay Xabsiga dhigeen Askarigii dilka geestay waxaana Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ay isku dayayaan in ay Xaalada Dajiyaan.

La soco k24 wararka kusoo Kordhaa Cadaado