Animation

DEG DEG: Donald Trump oo Noqday Madaxweynaha Mareykanka Maxaase Laga Filan karaa???

one response
Wednesday November 9, 2016 - 8:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharax Donald Trump ayaa ku guuleystay in uu Noqdo Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Kadib Markii uu Guule weyn ka gaaray Musharaxa kale ee Hillary Clinton.

Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay guuleysan doonto.

Trump wuxuu helay Codad gaaraya 276 waxaana loo Baahnay oo kaliya in uu helo 270 Cod.

Hillary Clinton waxa ay heshay 218 Cod waxaana looga Baahnaay in ay hesho 276 Cod.

Guusha Trump ayaa loo arkaa mid taariikhi ah waxa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clinton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yahay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qallafsan oo ka careysiiyay dad badan oo Mareykan ah.

Telefiishanka CNN ayaa sidoo kale tebiyey in Hillary Clinton ay wacday Donald Trump ayna u qiratay in laga adkaaday.

Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa.

Waxa uu sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Hase yeeshee arrinta yaabka leh ayaa noqotay in Trump uu sidoo kale ku guuleystay gobollo aan ku dhowaad 30 sano uusan ku guuleysan musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida Pennsylvania iyo Wisconsin.

Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay..

Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee “senetka”.

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada New York.

Waa cannugii afaraad ee qoyska aabihii oo ahaa maal qabeen ka guryaha.

Trump ayaa dhawr jeer ballan qaaday in uu darbi ku kala xiri doono xudduudda Mareykanka iyo Mexico isla markaana uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Mareykanka.

Caalamka wuxuu Eegaya Hab dhaqanka Cusub ee Ninkaan uu Mareykanka ku hogaamin doono Maadama uu Ninkaan kusoo  Caan baxay Islaam Naceybka iyo Dadka Muhaajiriinta ah ee Wadanka Mareykanka ku Nool.