Animation

DEG DEG: Diyaarado dagaal iyo Ciidan aad u hubeysan oo kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde…[Ujeedka]

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 11:20 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War degdeg ah oo Goordhaw naga soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegaya in ay ka soo dageyn diyaarado dagaal oo ay la socdaan ciidamo si gaar ah u tababaran watana hub culus.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Amaanka Garoonka ayaa inoo sheegay in ciidankaan loo gudbin doono Goobta uu shirka IGAD ka furmi doono, waxaana la sheegayaa inay baari doonaan dhammaan howlka uu shirka ka furmi doono, si loo xaqiijiyo amniga Madaxda imaan doonta.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamadaani goordhow lagu keenay diyaarada ay ka socdeen wadamada Kenya, Ethiopia iyo ciidamo kale oo la sheegay in diyaaradooda ay iminka kusoo jirto hawada.

Ciidamadaani diyaaradaha lagu soo daadgureynaayo ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona ilaalada Howlga ay Madaxda ku shiri doonaan, waxaana suuragal ah in Hoolka banaanka looga saaro ilaalada Xasan Sheekh iyo dhammaan dharcadka dowlada, si amaanka loogu wareejiyo madaxdaasi.

Waxaa goordhow Garoonka gaaray Kooxo ay DFS u xilsaartay hab maamuuska Madaxda iyo soo dhoweyntooda, waxaana qaabka shirka u dhacayo iyo hab maamuuskiisaba gacanta ku heyso Madaxtooyada.

Sidoo kale, Madaxda IGAD ayaa kusoo kala hormari doona magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarado gaar gaar ah la socda.