Animation

DEG DEG: Diyaaradii uu la socday Madaxweynaha Jabuuti oo Dib ugu laabtay Dalkaasi Maxay tahay Sababta keentay in uu baaqdo Madaxweyne Gelle????

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 1:16 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta lagu waday in uu ka qeybgalo shir madaxeedka dalalka IGAD oo ka furmaya magaalada muqdisho ayaa ka laabtay Hawada Soomaaliya, kadib markii Cilad farsamo ay ku timid diyaaraddii siday wafdiga wafdiga Madaxweyne Geelle.

Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadam Xasan Aadam oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa u sheegay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradda, kadibna ay dhex ka laabatay.

Danjir Aadam ayaa yiri.”diyaaradda Madaxweynaha Qaranka Jabuuti hadda si nabadgalyo ay bey ku gaartay dalka Jabuuti, Cilad Farsamo ayaa soo wajahday, wuxuu qorshuhu ahaa in uu ka qeybgalo shir maradeexda IGAD, hadda waxaa matali doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalja Jabuuti oo ku sugan Madasha Shirka”.

Mudane Aadam Xasan Aadam ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tallaabasatay Soomaaliya, isagoo arrin taariikhi ah ku tilmaamay in magaalada Muqdisho ay shir caalami ah isugu yimaadaan Madaxda Gobalka 26 sano oo burbur ah kadib.