Animation

DEG DEG: Diyaaradihii Rakaabka oo laga joojiyay Garoonka Aadan Cadde..

no responses
Tuesday September 13, 2016 - 9:34 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Diyaaradihii Duulimaadyada rayidka ee imaan jiray Magaalada Muqdisho ayaa saaka gabi ahaanba aysan imaanin, iyadoo aysan jirin Diyaarado soo caga dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sababta loo joojiyay diyaaradaha duulimaadka rayidka ayaa waxa ay tahay Shirka IGAD ee maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Xubno ka mid ah Shaqaalaha Rayidka ee Garoonka Aadan Cadde ka shaqeeya, ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo Garoonka ka socota, marka laga reebo Diyaarado yar yar oo wafuud kala duwan iyo Saraakiil amni wada oo soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada ammaanka Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana jirta feejignaantii ugu badneyn oo ka jirta aaga Garoonka.

Diyaaradihii ka imaan jiray Gobolada dalka iyo kuwii kale ee ka imaan jiray dalalka deriska la’ah Somaliya ayaa gabi ahaanba saaka aysan imaanin.

Xaalad badan oo cakiran, ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaana arimahan oo dhan ay asal u yihiin Shirka IGAD ee maanta ka furmaayo Magaalada Muqdisho.