Animation

DEG DEG: Diyaaraddii waday abu mansuur oo hadda kaso dagtay garoonka aadan cadde

no responses
Sunday August 13, 2017 - 4:19 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa ka dagey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade waxyar ka hor.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee helicopter ayaa waxa ay shiikha kasoo qaaday dagmada xudur ee gobolka bakool oo uu saakay soo gaadhay.

Wadaadka waxaa soo galbiyay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo u ugu horeeyo wasiirka wasaradda gaashaandhigga xukuumadda soomalia iyo taliye ku xigeenka nabad sugida.

Roobow mansuur ayaa lagu qanciyay in uu dowladda isku soo dhiibo islamarkaana loo soo kaxeeyo magaalada muqdisho waxaana taasi fududeeyay madaxweynaha koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ammaanka Abuu Mansuur la wareegay Ciidamada gaarka ah ee Nabadsugida.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa saaka kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Abuu Mansuur, oo si rasmi ah galabta loogu soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya.

Dowladda soomalia ayaa mukhtaar roobow heshiis kula gashay in aanan loola dhaqmin sida hogaamiye shabaab ah oo isa soo dhiibay balse loola macaamilo hogaamiye dowladda kusoo biiray.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in wadaadka loo galbiyay qasriga madaxtooyada soomalia oo ay ku suganyihiin madaxda dalka ugu sareeysa iyo madaxweynaha koonfur galbeed .

Madaxweyne farmaajo iyo ra’isul wasaare kheyre ayaa waxa ay la kulmi doonan abuu mansuur waxaana kulankaani garwadeyn ka ah shariif xasan shiikh aadan.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sanadkii 2013 gooni uga baxay Al-Shabaab, kaddib markii ay is khilaafeen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu gabaadsanayay deegaanka uu ku dhashay ee Abal oo ka tirsan Gobolka Bakool.