Animation

DEG DEG: Diyaarad goordhaw ku bur burtay garoonka diyaaraddaha Aadan cadde iyo warar sheegaya in….

no responses
Tuesday May 30, 2017 - 9:17 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw garoonka ay ku bur burtay diyaarad .

Diyaaraddaan ku bu burtay garoonka aadan cadde ayaa waxaa leh shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada  AMISOM.

Shirkadda Bancroft waa shirkad mareykanka ah oo soomalia ugu qaabilsan howlaha tababarka ciidanka iyo dhanka loojistikada.

Diyaaradda ayaa dhowr jeer isku dayday in garoonka ay soo caga dhigato hasa yeeshee waxaa u suurta gali weyday in lugaha diyaaradda ay u baxaan si ay usoo dagto balse waxyar kadib diyaaradda ayaa kusoo dhacday dhabaha ay ku ordaan diyaaraddaha.

Gabi ahaan waxaa bur bur xoogan uu soo gaadhay diyaaradda lamana oga qasaaraha ka dhashay iyadoona gaadiidka dab damiska ee garoonka aadan cadde ay ku howlanyihiin daminta dabka ka kacay diyaaradda.

Howlihii garoonka aadan cadde ayaa hakad la galiyay waxaana la hakiyay dhamaan duulimaadyadii saakay muqdisho ka bixi lahaay iyo kuwii kusoo dagi lahaay sida ay inoo xaqiijiyeen howlwadeeno ka tirsan garoonka aadan cadde.

Shirkadda Bancroft ayaa ah shirkad amni oo ciidamada amisom ka taageerta dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, waxaana ay xarun ku leedahay Xalane.

Warar hoose oo aynu heleyno ayaa waxa ay sheegayan in diyaaradda ay saarnaayeen saraakiil ajaanib ah lamana oga qasaaraha saraakiisha soo gaadhay.