DEG DEG: Diyaarad gaar ah oo Abuu Mansuur kasoo qaaday Magaalada Baydhabo

0

Abuu Mansuur diyaarad gaar ah ayaa hadda kasoo qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow waxaa lagu shirqoolay Madaxtooyada Koonfur Galbeed halkaas ayaana laga soo kaxeystay isagoo jirdil xooggan loo geestay lamana oga halka loo wado wadaadka.

Dagaal ayaa ka dhex socda qeybo kamid ah madaxtooyada koonfur galbeed kaasi oo u dhaxeeya ciidamo daacad u ah Roobow iyo kuwa ammaanka Koonfur Galbeed.

Ciidamo ilaalo u ah Muqtaar Roobow iyo kuwa ku qabiil ah ayaa la sheegayaa inay Magaalada rasaas ka bilaabeen, inkastoo hadda xaaladda ay dagan tahay oo xabado aysan ka dhaceyn Magaalada Baydhabo, haddana waxaa jirta xaalad kacsanaan ah oo Magaaladaasi ka taagan taasi oo ka dhalatay Xariga Roobow.