Somali News

DEG DEG:- Dil Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Idacada dalsan ay ka heleyso degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow halkaas uu ka dhacay dil iyada oo warar kala duwana ay kasoo baxayaan.

Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Jaayga Kaawa-gode una dhaxeysa Walaalaha iyo dhagaxa Turkiga,waxaana la sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku furay Sarkaal Booliis ah islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.

Dad goobjoogayaal  ah ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu isku dayay in uu baxsado hase’ahaatee isagana goobta lagu toogtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaaray waxaana waxaana halkaas laga qaaday meydka Askariga la dilay iyo ninkii kale ee weerarka geystay oo isagana meydkiisa laga qaaday goobta,lamana oga waxa sababay weerarka lagu dilay ninkaas la sheegay in uu ka tirsanaa Booliiska.

Related posts

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo lagu soo dhoweeyay Holland: SAWIRRO

admin

Dhageyso: Maamulka Puntland oo uga digey in lasoo fara galiyo. 

admin

Dhageyso: Ku dhawaad 50 ka tirsan xoogaga Alshabaab oo lagu dilay deegaano dhaca bariga gobolka….

Tifaftiraha K24