DEG DEG: Dhageyso+Sawirro: Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Maqaaxi u Dhaw Madaxtooyada Villa Soomaliya

no responses
Saturday October 1, 2016 - 12:33 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Qarax Xoogan uu ka dhacay Maqaaxi ku taala Dagmada Boondheere .

Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa lagu Magacaabaa Sky Blue waxayna u dhawdahay Taalada Xaawo Taako iyo Xarunta Tiyaatarka oo u dhaw Madaxtooyada Villa Soomaliya.

Maqaaxada waxaa ku sugnaay Dad Shacab ah Xiliga uu qaraxa dhacaayay waxaana Qaraxa u ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay Inkastoo aan La ogeyn in gaariga uu qof waday iyo In Maqaaxida Horteeda la dhigay .

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa waxaana goobta aad uga shaqeynaaya Gaariga gurmadka Deg dega ah ee Ambulance.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro Hordhac ah.

1 2 3

Facebook Comments