Animation

DEG DEG: Dhageyso Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug oo si Aadag uga Horymid Wareegto Dhawaan ka soo baxday Madaxweyne Guulled oo Lagu Hakiyay in……

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 12:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ka horyimid Go’aan dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ahaa in la hakiyo Shaqooyinka Hay’addaha kala duwan ee Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo Maanta Magaalada Cadaado ku qabtay Shir Jiraa’id ayaa ka horyimid Go’aan dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ahaa in la hakiyay Shaqooyinkii Hay’addaha Dowliga ah ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynha Galmudug uusan Xaq u laheyn inuu Joojiyo Shaqada Hay’adaha kala duwan ee Galmudug islamarkaana uu Jabiyay Dastuurka Maamulkaas

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Madaxweyne Guulled waxa ay ku Eedeeyen in uu Jabiyay Qodobo kamid ah Qodobada Dastuurka Maamulka Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd Markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug lagu Hakiyay Howlihii ay haayeen Hey’addaha Dowliga ee Maamulka Galmudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka