Animation

DEG DEG: Dhageyso Xiisad Dagaal oo laga soo sheegayo Deegaanka Jeexdin iyo Deegaano Hoos yimaada iyo Barakac Halkaasi ka Bilowday

no responses
Saturday October 1, 2016 - 9:26 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar Goordhaw ku soo Dhacay Xafiis Wareedka K24 ee Magaalada Galakcyo ayaa waxa ay sheegayan in Xiisad Kulul ay ka taagantahay Bariga Gobolka Mudug.

Xiisada ayaa lasoo sheegaya in ay ka taagantahay Deegaanka Jeexdin iyo deegaano dhowr ah oo hoos yimaada Halkaasi oo ay Buux dhaafiyeen Ciidamo ka kala Tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamo labada dhinac ah ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Galkacyo labadeeda dhinac ee Koonfurta iyo Wuqooyga waxaana dadka ku Nool Jeexdin oo K24 ay la xiriirtay ay inoo sheegen in Deegaanka ay ka jirto baqdin xoogan oo laga cabsi qabo in Dagaal uu halkaasi ka qarxo.

Dadka Deegaanka ayaa la soo sheegaya in ay ka Carareen Jeexdin iyo Deegaanada Hoos yimaada ee Miyiga ah Iyagoo ka baqdin qaba in Dushooda lagu dagaalamo .

Mid ka mid ah Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in Dadka iyo Xoolihii Deeganka Jeexdin ay ka carareen deegaanka iyagoona u baqoolay deegaanada kale ee Jeexdin Dariska La ah waxaana Qof ka mid ah Dadka deegaanka uu sheegay in ay jiraan Abaabul xoogan oo labada Ciidan ay sameynayaan.

Deegaanka Jeexdin Waxaa maalmo ka hor ka dhacay Duqeyn ay Abaabushay Puntland oo Lagu laayay Askar badan oo Galmudug ka tirsan waxaana duqeyntaasi fuliyay Diyaaradaha Mareykanka oo Muqaabaradka Puntland ay si ula kac ah ugu sheegen Mareykanka in uu duqeeyo Ciidan ay sheegen in Shabaab ay yihiin oo Abaabul xoogan wada Balse Ciidanka la laayay waxa ay Noqdaan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

La soco wixii ku soo Kordhaa Insha allah

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka