Animation

DEG DEG: Dhageyso War Hada Na soo Gaaray oo ku Saabsan Shirka Maasha Qaran oo Maanta lagu waday in

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 10:33 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shirka Madasha Qaran ee Dowladda federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Dalka, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Madaxtooyada Somaliya wuxuu ka furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Shirkaan oo noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay isugu yimaadaan Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa qorshaha uu yahay in lagu soo gaba gabeeyo waxyaabaha ka harsan arimaha Doorashooyinka.

Madaxda Dowlad Goboledyada oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka qaybgalaya Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee Madasha.

Shirka maanta furmay ayaa la filayaa In looga hadlo qodobo muhiim ah, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Dalka iyo kuwa kale oo la xariira geedi socodka siyaasadda Dalka Somaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’uud Aweys ayaa ayaa Shaaciyay in Madaxweynaha Somaliya uu si rasmi ah shirka u furay, islamarkaana uu Madaxtooyada ka socdo Shirka.

Shirka waxaa la Filaaya in uu socdo Mudo Laba Cisho ah Balse waxaa laga yaaba in uu ka bato Mudadaas hadii ay dhacdo in Madaxda ay Isku afgaran waayaan Qodobada laga doodaayo Kol hore sidii dhacday oo kale oo Madaxda ay Mudo Iksu mari waayeen Qodobada Qaarkood.