Animation

DEG DEG: Dhageyso ra’isul wasaare kheyre oo canaan kala dul dhacay shacabka iyo ciidamada kadib qaraxii….

no responses
Wednesday June 14, 2017 - 8:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre ayaa si kulul uga hadlay qaraxii cawada ka dhacay maqaayada posh  Treats oo ku dhow Isgoyska Banaadir.

Ra’isul wasaaraha ayaa cambaareeyay qaraxa waxaana uu ciidamada ammaanka amray in deg deg ay uga jawaabaan weerarkaan.

“ Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idiinka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad soomaaliyeed ay wax ku noqdeen” ayuu yiri ra’isul wasaare kheyre.

Ra’isul wasaaraha ayaa shacabka ka dalbaday in ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan sugitaanka nabad galyada caasimadda.

” Waxaan aqbalnay in qarax dhaco oo aan ka cararno, in qof meel lagu dilo oo aan ka aamusno taasina macquul ma ahan, waa in aan Ciidamada amaanka la shaqeyaan” ayuu hadalkiisa raaciyay ra’isul wasaaraha.

Qarax lagu weeraray maqaayada posh ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad ku dhaw 14 ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.

Halkaan ka dhageyso codka ra’isul wasaaraha