Animation

DEG DEG: Dhageyso Maamulka Puntland oo Galkacyo uga Dhawaaqay War Dab kusii Shidi kara Colaada Galkacyo… Tollow Maxay tahay????

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 12:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Been abuur ku Tilmaama in Heshiis Nabadeed ay kula Jiraan Dowlad Goboleedka Galmudug .

Wasiirka Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta ee Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo Maanta Warbaahinta Kula Hadlay Magaalda Galkacyo ayaa sheegay in Puntland aysan Marnaba Wada hadal kula jirin Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin war suuqa lagu faafiyey oo sheegayey in heshiis laga gaaray colaadda magaalada Gaalkacyo, islamarkaasina madaxwaynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas heshiis qarsoodi ah la galay Galmudug, kaas oo dhigaya Xabbad joojin iyo in la joojiyo dhismaha Seyladda.

Ugu Dambeyn wuxuu xusay in Hadii Heshiis la galaayo ay wada Galayaan dadka ay ka go’do Talada Galkacyo iyo Bulshada ku Nool Galkacyo .

Hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka Deegaanka Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland ayaa waxa uu u Muuqda Mid lagu Diidanyahay Nabad ka dhalata Galkacyo iyo Labada Maamul ay Heshiis ka gaaraan Colaada soo laab laabatay ee Magaalda Galkacyo ka taagan.

 

Facebook Comments