Animation

DEG DEG: Dhageyso Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud oo La Gowracay iyo Xaalada oo aad u kacsan

no responses
Wednesday November 23, 2016 - 8:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa Waxaa laga Helaya Dagaal Culus oo Maanta ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud Shabeeloow ee Gobolka Baay.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Alshabaab ayaa waxa uu ku Bilowday ka gadaal Markii Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay Weerar dhowr jiho ah kusoo qaaden Deegaanka Goof-gaduud oo Ciidamada Dowlada ay ku suganyihiin.

Labada dhinac ayaa midba sheeganayaa inay gacanta ku hayaan Goofguduud oo dhowr jeer gacan ku haynteedu is-beddeshay.

Warar Goordhaw oo Cawada soo Baxaya ayaa waxa ay sheegayan in Alshabaab ay Gudaha u galeen Deegaanka waxaana la sheegay in Shabaabka ay gacanta ku dhigeen Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud Xuseen Wardheere Xasan.

Alshabaab ayaa la sheegay in ay Gowraceen Guddoomiyaha oo ay Gacanta ku dhigeen sida la sheegay Markii Magaalada ay soo galeen Inkastoo Warkaasi aan weli la Xaqiijin,

Maamulka Koonfur Galbeed weli kama aysan Hadlin Dilka la sheegay in Shabaab ay u geesteen Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Taliye-Xigeenka Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Xasan “Caracas” ayaa VOA uga waramay Sida uu Dagaalka ku Bilowday Saakay iyo Qasaaraha labada Ciidan soo kala Gaadhay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha