Animation

DEG DEG: Dhageyso Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay Amar aad u qal qal galiyay Shacabka muqdisho goormee ayuuse amarkaas dhaqan galaya???

no responses
Sunday February 5, 2017 - 11:57 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka gobolka banaadir ayaa goordhaw ku dhawaaqay in magaalada muqdisho lagu soo rogi doono bandow mudo laba maalmood socon doona.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho ayaa amarkaan uga dhawaaqay magaalada muqdisho xili uu warbaahinta la hadlaayay.

” laga bilaabo beri maqribki wadooyinka muqdisho dhamaan waa la xeri doonna dhaq dhaqaaqa dadka waala yareyn doona ilaa laga gaaro maalinta khamiista wadooyinka wey xirnaan doonnan marka sidaas ha u la socdeen shacabka muqdisho” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka banaadir.

Sidoo kale duqa muqdisho ayaa baaq u diray dhamaan maamulayaasha xarumaha waxbarashada muqdisho sida jaamacadaha iyo iskuulada in ay fasaxaan ardayda maadama magaaladu ay xidhantahay oo ardaydu aaney awoodin in goobaha waxbarashada ay soo aadaan.