Animation

DEG DEG: Dhageyso Galmudug oo War Aan Caadi aheyn ka sheegtay Dagaalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug

no responses
Monday November 28, 2016 - 10:53 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa Faah faahin ka bixiyay Dagaalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ee u dhaxeeya Alshabaab iyo Dad Xoolo dhaqato ah.

Cismaan Ciise Nuur Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Galmudug ay qeyb ka tahay Dagaalka ka socda Koofurta Mudug oo ay Gacan siineyso Dadka Shacabka ah ee la dagaalamaya Al-shabaab

Wasiir Taar-dhuleed ayaa sheegay in Dagaalka qasaaro badan uu ka soo gaaray Alshabaab wuxuuna xusay in ay shabaabka ka dhinteen 26 Dagaalyahano ah.

Degaannada Daba-galo iyo Dumaaye oo hoos taga Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa Maalmahanba ku dagaallamayay Dad Xoolo dhaqato ah iyo Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa Baaq u diray Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Amisom in ay garab siiyaan Dadka Xoolo dhaqatada ah ee la dagaalamaya Alshabaab.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka jaraa’id Wasiir Taar-dhuleed