Animation

DEG DEG: Dhageyso Gaari Xamuul ah oo Waxyaabaha Qarxa laga soo Buuxiyay oo Lagu Weerary Saldhig ay Ciidamada Amisom ee Jabuuti ku Leeyihiin Magaalada……

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 11:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday saldhig military ee ciidamada ka socdo wadanka jabouti ee qeybta ka aha kuwa midowga Africa ee AMISOM kaga sugan magalaada beledweyen ee gobolka Hiiraan.

Gaari laga soo Buuxiyay waxyaabaha Qarxay ayaa lagu dhuftay Saldhig ay Daganyihiin Ciidanka Amisom iyo Kuwa Dowlada Federaalka Lamana oga qasaaraha ka dhashay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe Caga-joof  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xarun Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Galbeedka Baledweyne lagu Qarxiyay Gaari Waaraad ah oo Kor looga soo raray Bal.

Afhayeenka wuxuu xusay in Gaariga uu ku Qarxay Kontorool Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Meel ka baxsan Xerada ay degen yihiin islamarkaana laga hortagay.

Warar hoose ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay saldhig weyn oo ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen magaalada’iyadoona gudaha iyo banaanka saldhiga laga maqlayo rasaas culus.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka