Animation

DEG DEG: Dhageyso Dowlada Soomaliya oo Ku Dhawaaqday In Si KMG ah ay u Joojisay Duulimaaydyada Qaadka ka Keeni Jiray Wadanka Kenya

no responses
Monday September 5, 2016 - 3:18 under English News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay si KMG ah u joojisay duulimaadyada qaadka ee ka imaan jiray Kenya laga bilaabo 6-da bisha September oo maalinta berri ku beegan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac  “jingali” ayaa sheegay in si KMG ah ay dowladda Soomaaliya u hakisay duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ee dalka Kenya.

“Waxaan si KMG ah u joojinay duulimaadyada qaadka ee imaan jiray Soomaaliya, duruufo jira awgood, laga bilaabo 6-da bisha September”ayuu yiri Wasiir Jangali oo ka gaabsaday sababta keentay arrintan.

Wasiir Jingali ayaa xusay in maalintii shalay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya uu wargalin gaarsiiyay shirkadaha diyaaradaha kuna wargaliyay laga billaabo maalinta barito oo ay taariikhdu ku beegantahay 06 Sep 2016 hakad la galiyay diyaaradaha qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.

Jangali ayaa ku Macneeyay Joojinta Qaadka ”duruufo jira awgood” in ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ka yimaada Kenya isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Tallaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go’aankii ay dawaladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiye maadama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.