Animation

DEG DEG: Dhageyso Dibad Bax Balaaran oo Beledweyne ka Socda iyo Duubabka Dhaqanka oo Hanjabaad u diray Dowlada Federaalka……

no responses
Sunday September 4, 2016 - 12:59 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Bannaanbax looga soo horjeedo Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo qorshaha dowladda iyo IGAD ayaa ka socda magaalada Baledweyne.

Boqolaal dad ah oo isugu jira dhalinyaro, haween, Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa Banaanbaxa ka qeyb qaadanaayay.

Dibad baxaan ayaa la sheegay in ay soo abaabulaan dadka shacabka ah ee Beledweyne ku dhaqan waxaana ay sheegen in aysan marnaba ogolaan doonin in ay ka qeyb galaan shirka jowhar.

Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ka qeyb galay Banaanbaxa ayaa ku Hanjabay in ay Xariirka u jarayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya hadii aysan joojin faragalinta ay ku hayso Shirka Maamul u sameynta.

Sidoo kale Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan jirin wax ka quseeya Shirka Jowhar Gogoshiisu ay taalo oo lagu wado in Beri oo Isniin ah uu ka furmo Jowhar.

Dibad baxaan ayaa la sheegay in ay soo abaabulaan dadka shacabka ah ee Beledweyne ku dhaqan waxaana ay sheegen in aysan marnaba ogolaan doonin in ay ka qeyb galaan shirka jowhar.

Qaar kamid ah dadka Dibad baxa dhigaayay oo la hadlay Wakiil wareedka Shabakada Kismaayo24 ee Magaalada Beled-weyne ayaa waxa ay baaq u direen beesha Caalamka in ay il gooni ah u yeelato waxa ka socda Jowhar iyo qorshaha ay IGAD ka damacsantahay dadka ku Dhaqan Hiiraan.

Banaanbaxa ayaa ah Mid si Nabad ah ku socda oow ax rabshado ah aan la socon Ciidanka Ammaanka ayaa isku dayay in dadkaasi ay kala diraan balse Dibad baxayaasha aya muujiyay sida ay u dhalillsanyihiin shirka jowhar ka socda.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

la soco wixii ku soo kordhaa Banaanbaxa iyo Wareysi Dhinacyo badan taabanaya Goordhaw Insha allah