Animation

DEG DEG: Dhageyso Ciidanka Itoobiya oo Isaga Baxay Deegaano ka tirsan Galgaduud Kadib Weerar Xalay Shabaab ay ku qaadeen…..

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 6:52 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka saakay ka imaanaya Deegaanka Bud bud ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee Halkaasi Daganaay ay isaga Baxeen ka dib markii shalay ay dadka deegaanka usheegeen in ay biri subax ay halkaa isaga baxayaan waxa ayna U Ruqaansadeen Deegaanka Moqakori  sida ila wareedyo ku sugan Deegaanka ay u Sheegeen Kismaayo24

Lama oga sababta ka dambaysa Ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Deegaanka Bud bud ee Gobolka Galgaduud.

Wararkaloo Madax Banaan aya sheegaya in Xalay Alshabaab ay Weerarka ku soo qaadeen Faarisimo ay Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Bud bud ee Gobolka Galgaduud.

Dadka Deegaanka ayaa waxaa soo wajahday Baqdin xoogan oo ku aadan ka bixitaaanka Itoobiya ee Deegaankaasi Inkasto sidoo kale Ciidanka Itoobiya ay la socdaan ciidamo Soomali ah.

Deegaanka bud bud ayaa mudo ku dhaw laba isbuuc aan laheen wax anteena ah ka dib wadooyinkii soo gelayay oo Alshabaab ay xireen ka dibna Shidaal la.aan loo demiyay shirkadaha.

Ciidamada itobiya iyo kuwa dowlada ayaa horay isaga baxay Galcad waana xaruntii labaad oo ay faarujiyaan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codlka

Lasoco wixii ku soo Kordhaa Insha allah