Animation

DEG DEG: Dhageyso Banaanbax Xoogan oo ka Dhacay Magaalada Galkacyo Maxase looga soo Horjeeday??

no responses
Sunday September 25, 2016 - 10:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in banaanbax Xoogan uu maanta ka dhacay kaasi oo lagaga soo Horjeedo Muwaadiniin Soomaliyed oo Dowlada Hindiya ay ku Xukuntay Dil Toogasho ah.

Dibad baxa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa waxa ay ku qeylinayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Xukunka Dowlada Hindiya ay ku Riday Dhalinyaro Soomaliyed oo Burcad Badeednimo lagu Eedeyay Iyagoona Dalbaday in Dowlada Hindiya ay ka laabato Go’aankas Dilka ah.

Banaanbaxayasha ayaa Dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland ka Dalbaday in ay Faragalin ku sameeyan Xukunka Dowlada Hindiya ay ku Riday Dhalinyaro Soomaliyed oo gaareysa ilaa 50 waxaana 119 Dhalinyaro ah 50 kamid ah lagu xukumy Dil toogasho ah.

Dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qirtay in ay ka galeen falalka lagu soo eedeeyay sanadkii hore, waxaana xilligaasi maxkamadu ay sheegtay in ay dib u eegi doono qaar ka mid ah eedeysanayaasha oo aan qaan gaarin.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Banaanbaxayasha