Animation

DEG DEG: Dhageyso Alshabaab oo soo Bandhigtay Magaca iyo Qabiilka uu ka dhashay Ninkii Koowaad ee Isku qarxiyay Hotel Dayax

no responses
Friday January 27, 2017 - 9:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Idaacada ku hadasha Afka Alshabaab ayaa Baahisay Wareysi ay la yeelatay Mid kamid ah Ragii Isku qarxiyay Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho oo Maalin ka hor Maleeshiyada Alshabaab ay weerar ku galeen.

Ninka Codkiisa ay baahisay Idaacada Shabaabka ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Cabdi Raxmaan Maxamad Cabdulle oo ku Magac dheer Koronto Waxaana uu ahaa Ninkii Isku Qarxiyay Albaabka hore ee Hotelka Dayax.

C/raxmaan waxaa la sheegay in uu ka dhashay Qabiilka Ogaadeen waxaana da’diisa lagu sheegay dhowr iyo labaatan Jir.

C/raxmaan Koronto iyo Koox Isaga la socotay ayaa ku Nafwaayay Weerar ay ku qaadeen Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho waxaana shabaabku ay sheegen in Weerarkaasi dad badan ay ku dhinteen.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Ninkii Koowaad ee isku qarxiyay Hotelka Dayax