Animation

DEG DEG: Dhacdo naxdin leh oo laga soo sheegaayo dagmada caabud-waaq dhimashada oo mareysa seddex ruux dhaawaca 15 ruux kadib marki….

no responses
Sunday May 28, 2017 - 11:39 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka ka imaanaya dagmada caabdu-waaq ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in nin hubeysan uu rasaas ku furay goob lagu qeybinaayay raashin.

Inta la xaqiijiyay seddex ruux ayaa ku geeriyooytay halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen rasaasta uu ninkaan ku furay dadka raashinka loo qeybinaayay ee ku sugnaay dagmada caabud-waaq.

Lama oga sababta uu ninkaan rasaasta ugu furay dadka raashinka loo qeybinaayay ee danyarta ah balse warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayan in ninkaan ay is afgaareen mas’uulkii maamulaayay raashinkaan shacabka loo qeybinaayay isagoona ka carooday habka wax loo qeybinaayo kadibna uu rasaas ooda uga qaaday danyartii raashinka loo qeybinaayay.

Ninka rasaasta ku furay dadka shacabka ah ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay sida mas’uuliyiinta dagmada caabud-waaq warbaahinta u sheegeen.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay cisbitaal waxaana hada lagu dabiibaya xaaladdooda caafimaad .

Facebook Comments