Animation

DEG DEG: Ciidamada Ahlu-sunna iyo maleeshiyo Isbiirsaday oo Dagaal kula Wareegay Deegaanka Godinlabe

no responses
Wednesday October 12, 2016 - 11:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud Wararka ka Imaanaya waxa ay sheegayan in Maanta Halkaasin uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Nabad sugida Galmudug iyo Maleeshiyo Isbaaro dhigtay Deegaankaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo Gaadiid dagaal wata kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo baxeen deegaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud oo ay Maamulaan Ururka Ahlu-sunna.

Ciidamada Ahlusunna iyo Maleeshiyaadka Isbaarada dhigtay ayaa la wareegay Gacan ku haynta Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,waxaana Ciidamada Galmudug looga saaray Magaalada Dhanka Magaalada Cadaado.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in ay hayaan Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Dagaalka ay ku qabteen iyo Hub sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalka waxaa la sheegay in qasaaro kala duwan ay ka dhalatay inkasto aan weli si rasmi loo ogaan qasaaraha iyo Inta uu la egyahay waxaana hada dagan Xaalada Deegaanka oo ay Gacanta ku haayaan Maleeshiyo Isbaaro u tiilay iyo Ciidamo ka tirsan Ahlusunna.

Galmudug weli kama aysan Hadlin dagaalka ka dhacay Godinlabe iyo Ciidamada Ahlusunna ee la Wareegay deegaanka.