Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Dagmada caluula oo hada uu ka qarxay dagaal la isku adeegsanayaao hubka culus iyo kooxdii markabka afduubatay oo…..

Wararka aynu hada ka heleyno dagmada caluula ee gobolka bari ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada puntland iyo kooxdii dhawaan afduubatay markabka shidaal u waday magaalada muqdisho oo maraayay badweynta hindiya.

Dagaalka ayaa bilowday ka gadaal markii xoogaga markabka ku heysto xeebaha caluula ay diideen in ay sii daayaan markabka ay soo afduubteen kadibna ciidanka puntland waxa ay isku dayeen in xoog ay kusoo maquuliyaan waxaana ay la kulmeen iska hor imaad xoogan.

Rasaas xoogan ayey labada dhinac is weydaarsanayan sida ay sheegayan dadka ku nool caluula oo warbaahinta la hadlay.

Saraakiisha puntland waxa ay horay u sheegeen in aysan aqbali doonin in markabkaan madax furasho laga bixiyo oo ay xoog kusoo furan doonan hadii ay u caal waayaan wada hadalada ay la yeesheen dadka deegaanka caluula.

Dagaalka hada weli wuu socdaa maamulka puntland weli kama aysan hadlin qasaaraha ka dhashay iyo sababta dagaalka dhalisay maadama wada hadalo ay socdeen.

Related posts

Garbahaarey: Taliyaha Guutada 10 naad Ee Ciidanka Xooga Dalka Oo Lagu Eedeeyay Shaarka Dowlada Ku Gumaaday Shacabka

admin

Update: Kooxo hubeysan oo muqdisho ku dishay mid kamid ah ergadii xildhibaanada baarlamaanka kusoo dooratay magaalada…..

Tifaftiraha K24

Fadeedaxd: Maamulka Xafiiska R/Wasaaraha oo musuq-maasuqay Fiisayaal-shii Askartii ku dhaawacantay Qaraxii Hotel Central.

admin