Animation

DEG DEG: Dagmada Afgooye oo Marqura Dagaal Culus uu is qabsaday iyo Rasaa Xoogan oo ka dhaceysa Saldhigyada Ciidamada Dowlada

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 3:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Dagaal Culus uu ka Hada ka socdo Gudaha Saldhiga Dagmada Afgoye.

Dagaalka ayaa Waxaa uu yimid ka gadaal Markii Alshabaab weerar qorsheysan ay kusoo qaaday Saldhiga Ciidanka Dagmada Afgooye.

Dagaalka wuxuu ku Bilowday Qarax Xoogan oo Shabaabka ay ku daah furteen Weerarka kadibna Ciidamado Alshabaab ah ay Gudaha u galeen Saldhig ay Ciidamada Dowlada ku lahaayeen Dagmada Afgooye.

Sidoo Kale Waxaa Jirta in Weeraro kale ay ka socdaan Saldhigyo badan oo Ciidanka Dowlada ay ku leeyihiin Dagmada Afgooye.

Guddoomiyaha Dagmada Afgooye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dagaalyahano Hubeysan Alshabaab ay Weerar qorsheysan kusoo qaadeen Dhowr Saldhig oo Ciidanka Dowlada ay ku lahaayeen Dagmada Afgooye.

Askar ku dhaawacanta dagaalka ayaa la sheegay in Dhaawacyadooda loosoo qaaday Cisbitaalada Magaalada Muqdisho

Saraakiil u hadashay Alshabaab ayaa sheegtay in Ciidankoodu ay la wareegen ilaa Dhowr Saldhig oo Ciidamada Dowlada ay ku sugnaayen Inkastoo Warkaasi aan la hubin markii laga tago Sheegashada Alshabaab.

Shabaab waxeey sheegen in Hada ay Gacanta ku haayan Saldhiga iyo xarunta dagmada Afgooye.

Dadka ku Nool Dagmada Afgooye ayaa Isaga Cararay Xaafadaha u dhaw Goobaha ay Dagaalada ka socdaan waxaana qof ka mid ah Dadka ku Nool Agagaarka Suuqa Xoolaha ee Dagmada Afgooye uu sheegay in Marqura ay Maqleen Rasaas culus oo Magaalada qeybo kamid ah ka bilaabatay Waxaana Suuqa Xoolaha Fariisin ku leh Ciidamo ka tirsan Alshabaab.

Lasoco wixii Warar ah ee kusoo Kordhaa Insha allah