Animation

Deg-deg: Dagaalo Culus oo La Sheegayo In Ay Hadda Ka Socdaan Qeybo Kamid Ah……………………..(Tolow Waa Xagee???)

no responses
Sunday October 2, 2016 - 7:18 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan ay sheegayaan in dagaal uu ka socdo Halkaasi.

Dagaalkaan ayaa udhaxeeya Beelo Walaalo ah oo wada degga Halkaasi iyadoo inta la og yahay hal qof uu dhintay seddex kalena la dhaawacay.

Beelaha waxa ay isku qabteen daaqsinka iyadoo dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay yihiin kuwo Geel shubayey xalay maqribkiina la gaaday.

Qof ka mid ah dadka kusugan meesha dagaalka ka socdo Saaka ayaa sheegay in barakac uu socdo iyadoo dhiilo colaadeed ay jirto rasaasna ay dhaceyso.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale dagaal beeleedkaan kusoo laab laabtay duleedka B/weyne xilli laga heshiiyey marar badan.