Animation

DEG DEG: Dagaal Xoogan oo Saakay Markale dib uga qarxay Koonfurta Gobolka Mudug iyo Rasaas xoogan oo weli la maqlaayo

no responses
Monday November 28, 2016 - 7:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Dagaal Culus oo saakay ka qarxay Degaanka Dumaaye ee Koofurta Gobolka Mudug Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay Alshabaab iyo Dadka deegaanka oo Hubeysan.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada dhinac,waxaana Dadka Xoolo dhaqatada ah ee Shabaabka la dagaalamay ay sheegeen in ay la’yihiin Meel ay dhaawaca soo marsiistaan.

Dhaka kale Magaalooyinka Cadaado,Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka wada tirsan Galmudug ayaa waxaa ka socda Abaabul Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Galmudug oo ay doonayaan in ay u Gurmadaan Shacabka la dagaalamaya Al-shabaab.

Alshabaab weli kama aysan Hadlin Dagaalkaan ay la galeen Dadka deegaanka sidoo kale Galmudug Dagaalkii Saakay wax war ah kama aysan soo saarin Marka laga reebo in Abaabul ciidan uu ka socdo Deegaanada Galmudug.