Animation

DEG DEG:- Dagaal udhaxeya Puntland iyo Gal-Mudug oo ka Qarxay Markale Gaalkcyo

no responses
Thursday December 3, 2015 - 9:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkcyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in uu socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidamaada Gal-Mudug iyo Puntland kuwaas oo saaku qorshuhu ahaa in lakala Raro,balse ay kadhex qaraxday.

Dagaalka ayaa isku adeegsanaya Hubka waaaweyn,Waxaana sido kale Jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee Dagalamaya,Waxaana ay noqotay Magaalada in Rasaasta iyo hubiyaasha laga maqlayo Magaalada.

Gudiyada labada dhinac ee shalay Magacabay ayaa saaka doonayeey in Lakala Raro Ciidamada is horfadhiya ee Puntand iyo Gal-Mudug,BALSE Waxaa qabsatay Xabada iyadoo Gudigii iyo Wariyaashi ay dib uga laabten Goobta dagaalka.

Facebook Comments