Animation

DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya alshabaab iyo abuu mansuur oo hada ka socda deegaanka….

no responses
Wednesday August 9, 2017 - 11:17 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayan weerar culus oo dagaalamayaasha alshabaab ay ku qaadeen hogaamiyaha ka falaagoobay kooxdaasi ee mukhtaar roobow abuu mansuur.

Dagaalamayaasha alshabaab ayaa dagaal culus waxa ay ku qaadeen deegaan uu ku dhuumaaleysanaayo abuu mansuur oo horay shabaabka ka goostay kaligiisna meel gooni ah ku sugnaay.

Dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa hareereeyay deegaanka uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, iyagoo dhowr jiho ka weeraray.

Abuu mansuur waxaa uu saldhig ka sameystay deegaanka Abal ee Gobolka Bakool oo isaga uu ka soo jeedo.

Al-Shabaab ayaa ka hor inta aysan weerarin Abuu mansuur jaray, jidadkii gurmadka ugu imaan lahaa ama uu ku baxsan lahaa, waxaana isku daygooda uu yahay in la qabto ama la dilo.

Abuu mansuur oo wata tiro dagaalyahano daacad u ah ayaa iska caabin xoogan kala hortagay maleeshiyada alshabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab ay hoggaaminayaan Saraakiil sar sare oo ku heyb ah Abuu mansuur, waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool Macalin Geedow iyo Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Shabaab ee Gobolka Galgaduud.

Geesta kale maamulka koonfur galbeed ayaa isku dayaya in ay gurmad u fidiyaan hogaamiye abuu mansuur oo lagu hareereeyay deegaanka uu ku suganyahay hada waxaana halkaasi kusii jeeda ciidamo badan oo koonfur galbeed ka tirsan.

Afhayeenka Madaxtooyada K/galbeed Nuuradiin Gacma waxa uu sheegay in ay gacan siin doonaan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxa uu tilmaamay in dagaallada socda ay ku gacan sareeyaan ciidamada Roobow, ka maamul ahaanna ay isku raaceen in la caawiyo ciidanka Sheekh Mukhtaar.

Dowladda mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay liiska argagaxisada ka saartay hogaamiye mukhtaar roobow abuu mansuur waxaana taasi ay keentay in shabaab ay roobow ugu baaqaan in uu isa soo dhiibo balse markuu ka dhago adeegay ayaa shabaabku waxa ay amreen in roobow gacanta lagu soo dhigo amaba lasoo dilo.

La soco wixii kusoo kordhaa insha allah