DEG DEG: Dagaal Hadda ka socda Magaalada Kismaayo iyo Axmad Madoobe oo Maalgalinaayo

0

Wararka aynu ka heleyno deegaanno dhaca xeebta magaalada kismaayo ayaa waxa a sheegayan in halkaa uu dib uga qarxay Dagaal beeleed u dhaxeeya laba beelood oo colaadooda beryahaan ay halkaa ka taagneyd.

Dagaalkaan oo uu maal galinaayo maamulka Horjooge Ahmed Madoobe ayaa u dhaxeeyo laba beellood oo wada degen tuulooyinkaas waxaana dagaalka uu kusii fidaya goobo horleh oo markii hore uusan dagaalka ka soconin.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo sheegaya in dhinacyadii dagaallamay aysoo kala gaareen lamana oga qasaaraha inta uu la egyahay.

Qof kamid ah dadka deegaanka ee ku sugan halka uu dagaalka ka socdo ayaa inoo xaqiijiyay in daqiiqado ka hor uu dagaalka qarxay haddana hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayo.

Maamulka Ahmed Madoobe ayaa qeeyb ka ah dirirtaan oo muddo soo noq noqoneesay waloow aysan jirin cid ku guuleesatay daminta colaadda dadka ehelka ah u dhexeeyso ee shaydhaan Madoobe daaray.

Waxgaradka laba beelood ayaa sheegay in hurinta colaadda uu kaalin muuqata uga jiro axmad madoobe waxaana ay ku eedeeyeen in uu yahay hoggaamiye dagaal huriye ah.

La soco wixii warar ah ee soo kordhaa inshaa’allaah