Animation

DEG DEG: Dagaal Faraha looga gubtay oo Cawada Socda iyo Qaraxyo Ismiidaamin ah oo la Maqlaayo….

no responses
Tuesday November 15, 2016 - 9:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

shaba

Iyadoo dagaal xoogan uu saakay illaa caawa ka soconayo Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa la soo sheegaya in ismiidaamin lala beegsaday Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, oo shalay gaaray afaafka hore ee Degmadaasi.

Gaari xamuul ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxay Shabaabku la beegsadeen qaar ka mid ah labada ciidan oo ku sugan mid ka mid ah wadooyinka laga soo galo Degmada Tiyeeglow.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Tiyeeglow, Maxamed Isaaq Cabdi, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi looga dilay afar askari, halka tiro kalana ay kaga dhaawacantay, sida uu yiri.

Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcadde), Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow, ayaa isaguna sheegay inay fashiliyeen illaa toddobo kale oo ismiidaamin ah, ka dib markii ay toogteen xubnihii ismiidaaminta ku qornaa.

General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo), Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in dagaalka saakay illaa caawa ka soconaya Tiyeeglow uu ku tilmaami karo midkiisii ugu adkaa, oo labada dhinac isaga horyimaadaan, sida uu yiri.

152

Taliyaha oo hogaaminaya hawlgalkan, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ay ku dileen 50 nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona horey u qaatay sida uu sheegay dhaawacyo fara-badan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Tiyeeglow, ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan shan nin oo ajaaniib ah, inkastoo aanu kala sheegin dalalka ay u kala dhasheen.

timthumb

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah Saraakiisha horkaceysa labada ciidan, ayaa iftiimiyay inaysan dib uga laaban doonin Degmada Tiyeeglow, illaa iyo inta ay ka soo celinayaan dadkii ka barakacay Degmadaasi.