Animation

DEG DEG: Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda puntland iyo galmudug oo hada ka qarxay deegaanka….

no responses
Thursday May 25, 2017 - 9:25 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayan in hada dagaal culus oo uu qeybo kamid ah gobolka mudug ku dhexmaraayo xoolo dhaqato kasoo kala jeeda maamulada puntland iyo galmudug.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaan lagu magacaabo bali-busle oo ka tirsan gobolka mudug waxaana la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaan la ogeyn sababta ka dambeysay iyadoona maleeshiyaad hubeysan ay deegaanka ku dhex dagaalamayan sida goob joogayaal ay sheegeen.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana dag in wax badan la ogaado dagaalka maadama isgaarsiinta deegaanka ay adagtahay dadkuna aysan guryahooda ka soo bixi karin.

Waxaa socota waan waan ay wadaan odayaasha labada dhinac oo ku aadan joojinta dagaalka waxyar ka hor ka qarxay deegaanka bali-busle ee gobolka mudug.