DEG DEG: Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamo dowladda ka wada tirsan oo Hadda ka socda Tarabuunka ilaa iyo Taleex

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada nabad sugidda iyo ciidamada uu tababaray Imaaraat-ka carabta ayaa waxaa uu hadda ka socda qeybo kamid ah dagmada hodan ee gobolka banaadir.

Is-rasaaseynta ayaa waxa ay ka socotaa Isgooyska Tarabuunka ilaa isgooyska Taleex waxaana la maqlaya Rasaas xooggan oo labada dhinac is weydaarsanayan.

Qoryaha cul culus ayaa is-rasaaseynta la isku adeegsanaya waxaana wararku sheegayan in Ciidamada Nabad sugidda laga saaray bar koontarool oo ay ku lahaayeen tarabuunka iyo nawaaxigiisa.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka iyo waxa uu salka ku haayo waxaana xaniban isku socodka dadka iyo gaadiidka nawaaxiga uu dagaalka ka socdo.

La soco wixii kusoo kordhaa Is-rasaaseynta ka socota dagmada hodan.