Animation

DEG DEG: Dagaal Culus oo Saakay ka qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo aya Hada waxa uu kusii Fidayaa Xaafado dhowr ah oo Gudaha Magaalada ku yaala

no responses
Sunday November 6, 2016 - 9:04 under English News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Ugu Dambeeyo ee Laga Helaayo Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Saakay Aroortii Dagaal Culus uu ka qarxay kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo Markii Hore ka Bilowday Galbeedka Magalaada Galkacyo ayaa la sheegay in Markii Dambo Gudaha mgaalada uu kusoo fiday .

Xaafada Garsoor ayaa la sheegaya in Hada Dagaalka Xoogiisa uu ka socdo waxaana la maqlaya Daryanka Madaafiic iyo Rasaas culus oo Labada dhinac ay is weydaarsanayan.

Dad Goob joogayaal ayaa sheegay in ay Arkeen Meydadka ilaa seddex Ruux oo shacab ah oo rasaasta iyo madaafiicda ay waxyeeleysay Marka laga soo tago dhimashada wacaa jira dhaawacyo horleh oo la gaarsiinaayi Cisbitaalada Koonfurta iyo wuqooyga Galkacyo.

Lama Oga qasaaraha soo kala gaaray Dhinacyada Magaalada ku dagaalamay waxaana Hakad ku jiray Isgaarsiinta Galkacyo oo sida lasoo sheegayo ay aad daciif u tahay Mararka qaarna aysan Taleefanada Bixi karin oo aan la iska wici karin.

Galmudug iyo Puntland weli kama aysan Hadlin dagaalka Saakay dib uga qarxay MagaaladaGalkacyo iyadoo ay xusid mudantahay in Labada Madaxweyne ay heshiis kusoo gaareen Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.