Animation

DEG DEG: Dagaal Culus oo Saakay Dib uga Qarxay Magaalada Galkacyo iyo Xabad joojintii oo Bur burtay

no responses
Tuesday November 8, 2016 - 7:09 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Goordhaw ka Heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Dagaal Culus uu dib uga Qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Rasaas xoogan ayaa laga Maqlaya Galbeedka Magaalada kaasi oo ay dagaalka isku Adeegsanaya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal Markii Maalintii shalay ay Khadka taleefanka ku wada hadleen Labada Masuul ayna ku wada heshiiyeen in Xabad joojin laga dhaqan galiyo Magaalada Galkacyo.

Wakiilka Q.M iyo Raisul wasaaraha Soomaliya ayaa Dhankooda qeyb ka ahaa heshiiska Xabad joojinta ah Balse Maanta Bur buray markale.

Waa heshiiskii Labada oo Mudo Bil gudahood uu Bur buray kaasi oo dhexmaray Masuuliyiinta Labada Maamul 1-dii November ayey aheyd Markii Labada Madaxweyne ay heshiis hordhac ah ku gaareen wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta Heshiiskaasna wuuu Bur buray sidoo kale Shalay oo Taariikhd aay aheyd 7-November ayey Markala Labada madaxweyne Heshiis Xabad joojin ah galeen Hadana Maanta ayuu Heshiiskaasi bur buray.

Wixii Warar dheeraad ah Kala soco Kismaayo24