Animation

DEG DEG: Dagaal Culus oo qarxay iyo Al-shabaab oo gudaha usoo galay xaafado kamid ah dagmada……

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 9:49 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Dagamda Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw dagaal culus uu ka qarxay qeybo kamid ah dagmada afgooye.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaraayo ciidamda dowlada iyo kuwa alshabaab waxaana dagaalka xoogiisa uu hada ka socda xaafadaha baal guri iyo sagaalaad ee ka tirsan dagmada Afgooye.

Dagaalka waxa uu yimid sida la sheegay ka gadaal markii xoogag ka tirsan Alshabaab oo doonaayay in ay ka gudbaan wabiga dhexmara dagmada afgooye ay la kulmeen ciidamo dowalada ka tirsan oo ka war haayay qorshaha shabaabka sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka uu u dhaxeeyo.

Afgooye waxa ay noqotay Furin dagaal oo markasto ay ku hardamaan xoogaga alshabaab iyo ciidamada Dowlada.