Animation

DEG DEG: Dagaal culus oo madaafiic iyo qaraxyo la isku adeegsanayo oo hada alshabaab iyo ciidanka itoobiya ku dhexmaraya deegaanka…..

no responses
Thursday May 11, 2017 - 1:25 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in dagaal culus uu ka socdo deegaanka halgan ee gobolka hiiraan .

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeya dagaalamayaasha alshabaab iyo ciidanka itoobiya waxaana la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii dagaalamayaasha alshabaab ay wadada u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka itoobiya oo ka soo baxay deegaanka halgan kuna sii jeeday dagmada beledweyne oo ka wada tirsan gobolka hiiraan.

Wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Beled Weyne iyo Buula Burte ayaa wararku ay sheegayan in dagaallo culus ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ku dhaxmareen.

Madaafiicda goobta ayaa la isku adeegsanaya dagaalka  waxaana dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayan madaafiic culus iyo rasaas aad u badan oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysaneysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalada ay bar bar socdaan qaraxyo xoogan oo ciidanka itoobiya lala eegtay lamana oga qasaaraha ka dhashay.

Dowladda itoobiya ayaa xaqiijisay dagaalka ka socda qeybo kamid ah gobolka hiiraan ee bartamaha soomalia.

Ra’isul wasaaraha itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka qeyb galaya shirka london ayaa halkaasi ka sheegay in dagaal culus uu ka socda deegaanka halgan kaasi oo u dhaxeeya ciidanka itoobiya iyo kuwa alshabaab.