Animation

DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda gobolka shabeellada hoose ciidamada oo deegaano badan galay dhimashada oo gaareysa…..

no responses
Saturday June 10, 2017 - 1:05 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa maanta ka dhacay deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaanka Bariirre waxaa ka dhacay dagaal xooggan, waxaana uu ku bilowday kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaasi oo si nabad ah ay ula wareegeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Inta la xaqiijiyey 10 ruux oo shacab iyo dhinacyadii dagaallamay isugu jira ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Geesta kaleĀ Ciidamada huwanta ayaa labo jiho ka weeraray deegaanka Janaale, oo horay Al-Shabaab u jareen buundadii geli jirtay deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu hada ka socdo agagaarka deegaanka Toora Toorow oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay qorsheynayaan in dhamaan deegaanada ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab ka saaraan.

Ciidamada huwanta ayaa saaka la wareegay deegaanada Mubarak, Bariire, Farsooley, tuulooyin kale oo hoostaga degmada Afgooye.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgalladan weli wax faah faahin ah kama aanay bixin.

Howlgaladaan ayaa saakay waxa ay si rasmi ah uga bilowdeen gobolka shabeellada hoose iyadoona ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano muhiim ah.