Animation

DEG DEG: Dagaal Culus oo ka dhex qarxay Al-shabaab & Ciidanka itoobiya…

no responses
Monday September 19, 2016 - 12:16 under Breaking News by Tifaftiraha K24

Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya maanta Barqadii inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ururka Al Shabaab iyo ciidanka Itoobiya oo Amisom ka tirsan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ururka Al Shabaab ay wadada u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalaayay inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo deegaanka Dac.

Ciidamada Shabaabka iyo kuwa Itoobiya ayaa halkaasi isku fara saaray, waxaana goobta ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac Khasaare kala gaarsiiyay.

Cabdi Xasan Biyo Quute Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay dagaalkaasi in lagu dilay saddex nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay meydadka saddexda nin ee Shabaabka ka tirsan inay yaalaan goobtii lagu dagaalamay, isaga oo intaasi ku daray dhanka ciidamada Dowladda hal askari inuu kaga dhaawacmay dagaalkaasi.

Shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalameen ciidamo ka soo ambabaxay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo sahay u siday sida Shabaabka ay sheegeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Ceelbuur.